Karfanta Madaxwaynaha KGS Lafgareen oo lagu tolayo NAIROBI

|

Nairobi (ONKOD) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiinta  ugu tunka culus ee ka soo jeeda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed si gaar ah xil haynta Madaxwaynaha koonfur Galbeed oo maraya – meel gaba – gaba ah.

Shirkan maanta oo Axad ah ka  dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu fasiray inuu yahay bandhig siyaasadeedkii ugu waynaa ee  ka dhanka ah Madaxwaynaha  maamulka koonfur Galbeed ee dhaca waayadan.

Waxaa lagu soo waramayaa in shirarkan ay noqon doonaan kuwa joogta oo looga hadlayo qabsoomida doorasho la isla ogol yahay oo si nabad ah kaga dhacda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Guddoomiyaashii hore ee Golaha shacabka iyo xubno xilal kala duwan ka soo qabtay dalka kana soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si wayn ugu soo dhax muuqday kulanka maanta.

Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed ayaa hadda ku jooga xilka heshiis siyaaseed oo ay wada gareen xubnaha mucaaradka ee deegaanada maamulkaas kaas oo ku eg bisha December ee sanadkan.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha