Kate Foster oo u hambalyesay golaha wasiirrada Soomaaliya ee la ansixiyey

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Safiiradda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, ayaa u hambalyeysay golaha wasiirrada ee cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxey sheegtay inay rajeyneyso in dowladda Soomaaliya ay u qalab qaadato mudnaan kala siinta hawlaha horyaalla, sida ammaanka, dibu heshiisiinta, iyo arrimaha bani’aadanimada, si dhammaan dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada soo xaadirtay baarlamaanka, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaanna uu ka aamusay cod qaadista.

Related Articles

News In English

Fikradaha