Kenya oo ammar kubixisay in aragti lagu toogto kooxo dhibaato kegystan Kenya

|

Kenya (ONKOD) – Dilalka xoolo dhaqatada iyo dhaca loo geesanayo xoolahooda gaar ahaan lo’da ayaa kusoo badanaya gobolka galbeedka dalka Kenya kuyaalla ee Rift Valley, waxaana gobolkaasi dhibaato ka geesta kooxo burcad abaabulan ah.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Kenya, Kithure Kindiki, ayaa soo saaray ammar ah in aragti lagu toogto kooxaha burcada hubeysan ee dilalka iyo dhaca ka geestay gobolka Rift Valley, gaar ahaan xadka ay wadaagaan Kenya iyo South Sudan.

Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay in ay la dagaasho kooxaha burcada hubeysan , waxa uuna ballan-qaaday in ay ka shaqeenayaan sidii xasilloonida iyo nidaamka ugu soo celin lahaayeen  qeybo ka mid ah gobolka Rift Valley .

Dhanka kale, Ammarkan toogashada ah ee kasoo baxay wasiirka amniga Kenya ayaa yimid kaddib markii maalin kahor saddex qof lagu dilay gobolka Rift Valley , sidoo kale lagu dhacay xoolo badan ay lahaayeen dad Kenyan ah.

Burcada dilalka iyo dhaca xoolaha geesata ayaa la sheegay in xadka Kenya iyo South Sudan u kala gudbaan, waxa ayna dowladda Kenya ciidamo geesay deegaannada dhibka badan ka jiro si ay ciidamada wax uga qabtaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha