Khasaare xooggan oo uu gaystay dagaal beeleed ka dhacay Mudug

|

Gaalkacyo (ONKOD) Laba maleeshiyo beeleed ayaa dagaal uu ku dhaxmaray deegaano ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Waxa la sheegay in dagaal beeleedkan uu gaystay , khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Labada beelood ayaa ku dagaallamay dhulka ku magac dheer Golol gaar ahaanna miyiga u dhexeeya Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.

Ugu yaraan 7 ruux oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay halka ay jiraan dhaawacyo kala duwan.

Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay ayaa saaka deggan inkastoo aysan ilaa iyo hadda muuqan cid kala dhex gashay dhinacyada dagaallamay.

Related Articles

News In English

Fikradaha