Koobka Champions League-ga: Guusha Real Madrid iyo niyad jabka Liverpool

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Kooxda Liverpool oo doonaysay in ay markeedii 7-ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga ayaa waxaa lasoo deristay niyad jab weyn kaddib markii qeybtii dambe ee ciyaarta uu gool ka dhaliyay ciyaaryahanka Vinicius Jr, sidaasna ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid, oo ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub.

Kooxda Real Madrid ayaa markii 14-aad ku guulaysatay Koobka Champions League-ga kadib ciyaartii xaley ka dhacday garoonka Stade de France ee ku yaalla magaalada Paris.

Guushan, tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti waxay uga dhigan tahay in uu taariikh saameeyay isagoo noqday tababarihii ugu horeeyay ee ku guuleysta horyaalkii afaraad ee Champions League.

Goolhayaha Real Madrid ayaa xaley ahaa ninka la is dhihi karo wuxuu ka qeyb qaatay guusha maadama uu Liverpool ku noqday laf dhuun gashay, wuxuu kubado badan ka qabtay weeraryahanada Liverpool sida Maxamed Saalax iyo Sadio Mane.

Xilli ciyaareedkii wacnaa ee Liverpool waxa uu u horseeday inay ku guuleystaan Carabao Cup iyo FA Cup -kadib markii ay rigoorayaal kaga badiyeen kooxda Chelsea – laakiin damacoodii ahaa in koobab badan ay qaadaan ayaa ku soo dhammaatay niyad-jab weyn, Man City ayaa hal dhibic oo kaliya ah dhawaan kaga qaaday horyaalka Ingiriiska, waxaa halkaa kusoo gabagaboowday rajadoodu aheyd in koobkan ay qaadaan.

Real Madrid waxaa goolkii guusha u dhaliyay Vinicius Jr
Real Madrid waxaa goolkii guusha u dhaliyay Vinicius Jr

Taariikhda labadan koox

Real Madrid ayaa laga badiyay afar jeer 12 kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan – Liverpool ayaa laga badiyay seddex ka mid ah 62 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan 2021-22 – sidaas oo ay tahay kooxda heysata horyaalka Spain ayaa gaadhay finalkii 17-aad ee tartanka.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan guulo soo hoyisay iyadoo kasoo adkaatay kooxaha Paris St- Germain, Chelsea, Manchester City, xaleyna waxay ciyaartii kama dambeysta aheyd garaacday Liverpool , sidaas ayay horyaalkii ku qaaday.

Real ayaa sida oo kale soo laabasho cajiib ah samaysay ciyaartii ay ka soo baxayeen City.

Iyada oo cel-celis ahaan 5-3 ku raacday kooxda Pep Guardiola oo hal daqiiqo oo kaliya ka harsan tahay waqtigii caadiga ahaa ee lugtii labaad, Benzema ayaa dhaliyay ka hor inta uusan Rodrygo ku qasbin waqtiga dheeriga ah 89 ilbiriqsi ka dib.

Benzema, ayaa todoba gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan kooxaha Ingiriiska, ayaa rigoodhe ay haleen kooxdiisa ugu soo saaray in ay soo gaadhaan ciyaartan.

BBC

Related Articles

News In English

Fikradaha