Kooxo hubeysan oo ku dilay Masuul ka tirsan Maamulka K/Galbeed degmada Buur-Hakaba

|

(Onkod Radio – 8 Decemberr, 2022) -Kooxo hubeysan ayaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dishay Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub)  oo ahaa Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay iney gaari wateen, iyagoo xoog ku galay isbitaalka, waxeyna toos u abaareen xafiiskii mas’uulkan, halkaasoo ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa kala dhaceen.

Dableyda dilka geysatay oo lala xiriirinayay ururka Al-Sgabaab  ayaa ku baxsatay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamadda amniga oo ku fashilmay soo qabashada danbiilayaasha.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay iney ku raad joogaan Shabaabkii dilka u geystay dhaqtarka oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay degmada Buurhakaba, iyadoo toogashadiisa ay argagax ku beertay dadkii shacabka ahaa.

Related Articles

News In English

Fikradaha