Ku dhufo oo ka dhaqaaq : Dagaalka Al- Shabaab ee Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxay weerar Al- Shabaab ay ka fuliyeen degmad Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Goob ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa  maleeshiyaadka A- Shabaab waxa ay ka fuliyeen weerar  khasaare gaystay.

Waxaa la sheegay in laba askari halkaas ay ku dhinteen halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Dagaalkan ayaa la  sheegay inuu ahaa mid ku dhufoo ka dhaqaaqa ah , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda , Federaalka Soomaaliya kuwaas oo goobta howlgal ka fuliyay.

Xaaladda goobta ay ku suganayeen  ciidanka Dowladda ee weerarka uu ka dhacay ayaa degan , waxaana ku sugan ciidanka Dowladda.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha