Kulane jiis oo qabyaaladeeyey qorshaha Xasan Sheekh ee ciidamada Gorgor ee Gedo

|

Muqdisho (Onkod Radio)– Xildhibaan Cabdullahi Kulane (Jiis) ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo qorshaha ay dowladda Soomaaliya ciidanka Gor Gor uga soo qaadeyso degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isagoo madaxweynaha ku sifeeyey ‘oday dhaqameed qabyaaladeysan.’

Xildhibaan Kulane, ayaa sheegay in ciidankaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in la geeyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Alshabaab.

Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa ka soo jeeda gobolka Gedo, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii gacanta midig u ahaa madaxweynihii hore Farmaajo, door-weyn ayuu ka qaatay sidii talada dalka loogu soo celin lahaa Farmaajo, balse ma dhicin.

Doorashadii kadib, Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo markii hore muujiyey mucaaradnimadiisa dowladdaan cusub ayaa is gaabiyey mudooyinkii dambe, balse hadda ayuu dhaliil adag ka keenay qorshaha dib loogu soo celinayo ciidankii lageeyay Gedo.

Dooda uu qabo xildhibaankaan ayaa ah, in amniga degmada Beledxaawo uu dayacmayo, iyadoo la xoojinayo kan degmada Xarardheere, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo masuuliyadda uu u qaaday umadda Soomaaliyeed oo qabiil gaar ah uusan u eexan.

Waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya go’aansaday amarna ku bixiyey inuu ururka Gorogor ee amaanka iyo nabadda degmada Belexaawo mas’uulka ka ah loo daabulo degmada Xarardheere.

Madaxwayne, waxaa laguu doortay oo laguu dhaariyey Madaxwaynaha Qaranka Soomaaliya ee laguuma dooran oday dhaqameed qabiil.

In degmada Baladxaawo la dayaco si Shababka usoo weeraraan, degmada Xarardheerana la adkeeyo difaaceeda, waxaa loo arki karaa inaad raali ka tahay in degmada Baladxaawo maamulkeeda Alshabaab la wareego.

   

Related Articles

News In English

Fikradaha