Kulane Jiis oo Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ku eedeeyey ‘arrin halis ku ah’ naftiisa

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa soo saaray qoraal uu ku cadeynayo in lagala noqday ilaaladiisii oo labo ka mid ah maanta la xiray, iyagoo doonaya inay garoonka Aadan Cadde diyaarad ka raacaan.

Sidoo kale Xikdhibaan Kulane Jiis ayaa ku goodiyey in mowqifkiisa aysan ka leexi doonin cabsi gelinta uu kala kulmayo madaxda dowladda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in loo logo cadowga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA mahad Salaad ayaa sheegay inay qaadi doonaan masuuliyadda wixii qalqal amni ah oo ku yimaada naftiisa.

“In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado,” ayuu Cabdullaahi Kulane ku qoray bartiisa twitterka.

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Onkod Radio, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...