LAASCANOOD : Hoobiyaal ku dhacaya xaafadaha rayidka & dagaalka oo laba kacleeyay

|

Laascanood (ONKOD) Wararka  ka imaanaya magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas – markale  uu  dagaal ka dhacay magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee gobolada Sool iyo sanaag kuwaas oo  in muddo ah halkaas ku dagaalamaya.

Dagaalka  xoogiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu  ka socdo jiidda bari ee magaalada  halkaas oo laga maqlayo rasaasta xoogan oo dhinacyadu  is waydaarsanayaan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in khasaare xooggan uu ka dhashay dagalka oo ah kii ugu xooganaa ee mudooyinkla dhexmara labada ciidan ee  ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , iyadoo Somaliland  loogu baaqay in ciidanka kala baxdo gobolada Sool iyo sanaag.

Related Articles

News In English

Fikradaha