Laascanood : Somaliland oo duqeymo ka fulisay gudaha magaalada & duleedkeeda

|

Laascanood  (ONKOD ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in halkaas maanta laga maqlayo dhawaqa jugta culus oo ay is waydaarsanayaan ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka hoobiyaasha qaar ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen xaafadaha qaar ee magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

Maalmihii la soo dhaafay waxa degnayd xaaladda magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo ay isku hayaan ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee diidan maamulka Somaliland.

Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Related Articles

News In English

Fikradaha