Laba qof oo OROMA ah oo lagu dilay gobolka Sanaag

|

Sanaag (ONKOD) Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay laba qof oo u dhashay  Oramada Itoobiya oo halkaas ku sugnaa

Sida wararku ay sheegayaan dilka labada qof ayaa ka dhacay deegaanka degaanka Milxo ee gobolka Sanaag

Wararka ayaa intaaa ku daraya in dilka labada nin uu ka dhashay muran dhexmaray iyaga iyo rag Soomaali ah waxaana sidoo kale falkaas ku dhaawacmay laba ruux oo kale.

Saraakiisha gobolka sanaag wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dilka dadkan Oromada ah ee loogu gaystay  halkaas

Waxa ay ku warameen saraakiishan in ay wadaan baaritaan ku saabsan sida uu u dhacay dilkan ka dhacay degaanka Milxo ee gobolka Sanaag

Faahfaahin intaas ka baxsan ilaa iyo hadda lagama helin falkaasi dilka ah ee ka dhacay degaanka Milxo islamarkaana ma jirto cid weli si shaacsan uga hadashay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha