Laftagareen oo sheegay in Aqalka Sare loo dhisay si degdeg ah oo aan laga fiirsan

|

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo munaasabad gaar ah u sameeyay 8ta Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas wakiilka uga noqonaya Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Laftagareen waxa uu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan wax u qabashada dalka si gaar ah DG Koofur Galbeed oo ay wakiil uga yihiin Aqalka Sare BFS kana war hayaan isbadalka & xaaladaha deegaannada ay kasoo jeedaan.

“Marka aad fiiriso senatarada sida ay kusoo baxeen, sida loo xushay & sida ay hadda yihiin waa xikmad rabbaani ah, ilaahbaa nagu toosiyay, waxa ay ka siman yihiin aqoonta, waxa ay u qaybsan yihiin saddex qaybood oo Bulshada laga rabay oo kala ah Dhalinyaro, Dadweyn & Gabdhao” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Nidaamka uu ku sameysmay Aqalka Sare & aragtida laga qabo waxa uu ku tilmaamay in si degdeg ah loo dhisay oo aan aad looga fiirsan iyada oo aan la dhammeystirin Dastuurka Dalka keliya loo boobsiisay “Waa in Madaxweynaha labada Aqal Doortaan”.

“Dhismaha Aqalka Sare waxaa loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan, Marka aad fiiriso Aqalka sare waxa uu ka kooban yahay 54-Senatar, waxa uu ahaa in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, waxaa lagu cabbiray 18-kii Gobol ee Soomaaliya in Gobol weliba uu helo saddex Senator & tan labaad oo ah nidaamka Aqalka Shacabka ee awood qaybsiga 4.5-ta & Dowlad-Goboleedyada oo aan loo simin balse laguma saleyn saddexdaas tallaabo” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Related Articles

News In English

Fikradaha