Laftagareen oo soo bandhigay qaladaad uu ku kacay

|

Xudur (ONKOD ) Saacadihii la soo dhaafay waxaa si wayn loo hadal hayaa hadal uu degmada Xudur ee gobolka Baay ka jeediyay Madaxwaynaha  maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxwaynaha ayaa taabtay sida ay wax u dhaceen , intii ay socotay doorashada  iyo soo xulida xubnaha Barlamaanka ka mid noqonaya ee deegaanada maamulka koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa xusay in isaga iyo saxiibadii hore ay isku qabteen arrimo ku saabsan doorashada , waxana uu xusay in sababta ugu way nee xilka u joogo ay tahay in xildhibaan uu soo saaro kuwo kalena uu diido.

” Aniga waxaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed u noqday wax kala ma ahayn ee waxay ahayd in aan Xildhibaano soo saaro qofna aan dhaho Xildhibaan ma heleysid qofka kalana aan dhaho waad helaysaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in taas ay ka dhalatay  in ay ku kala dhintaan saxiibadii isaga  ku gacan siiyay xilka oo uu ula jeeday, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Mar uu ka hadlayay ,  doorashada qof iyo cod ah waxa uu  sheegay Laftagareen in  muhiim ay tahay in dalka uu ka gudbo  nidaamka doorasho dadban

” Ma jirto qof Soomaali ah oo baahi u qaba doorasho dad badan oo salka ku haysa boob , dakanno & eex ” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxwaynaha,

Hadalka Laftagareen waxaa ka falceliyay siyaasiin badan oo  loo diiday in  kursi ay ka helaan , Maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha