Lama Oga kaalinta ATMIS ee dagaalka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab

|

Baladweyne (Onkod Radio) — Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan ogayn waxa Ciidanka ATIMIS ay ka qaybanayaan Soomaaliya haddiiba wax kaalin ah ku lahayn dagaalka Hiiraan.

Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jayte ayaa tilmaamay in ay tahay in wax laga waydiiyo Ciidanka ATMIS waxa ay tahay shaqadooda oo xilligan ay u arkaan in ay buuxiyeen dadka deegaanka oo diyaar u ah in ay iska dulqaadaan cadowga.

“Waa in Golaha ammaanka , Midowga Afrika Dowladda Federaalka dib u eegaan waxa ay ATMIS ay qabanayso haka baxaan dalka ” ayuu si cara leh u yiri Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jayte.

Guddoomiyaha Hiiraan ayaa ku baaqay in la tayeeyo oo la garab istaago ciiidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya bedelkii qarashka badan ku bixi lahaa kuwa Midowga Afrika.

“Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku filan in ay la dagaalamaan Al- Shabaaab , iyaga hala garab istaago ” ayuu sheegay Guddoomiyaha Hiiraan.

Waxaa uu ku eedeeyay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS in dusha uun ay ka daawanayaan dagaalka kacdoonka ah ee dadka deegaanka ay isaga dulqaadayaan kooxda Al- Shabaab.

Guddoomiyaha Hiiraan ayaa marar badan meel fagaaraha ka sheegay wax qabad la’aanka ciidanka ATMIS ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi aan la gaban hadalada xaqiiqda ku salaysan ee inta badan ay daaboolaan siyaasiinta qaar.

Related Articles

News In English

Fikradaha