Loollanka dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee Soomaaliya oo xoogeystay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka wadaan safiirada qaar ka mid dalalka Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, gaar ahaan Qatar iyo Isu Tega Imaaraadka Carabta.

Labada Safiir oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa bilaabay abaabul xooggan, kadib doorashadii 15-kii May, si mid kasto uu dalkiisa ugu xoog bato dowladda cusub.

Kulamada ay wadaan labada nin ee ka socda Dooxa iyo Abu Dhabi ayaa u muuqdo kuwa is daba socda, sida ka muuqata shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada dal, sidii ay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Maalin, kadib oo maanta ah isla Cabdi Xaashi ayaa waxaa u tegay oo kulan ay wada yeesheen safiirka Qatar, Danjire Xasan Bin Xamze Haashim, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Qatar ay kaalin ku yeelata gurmadka abaaraha dalka.

Shantii sanno ee la soo dhaafay Qatar ayaa xiriir xooggan la laheyd dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Imaaraadka uu booskaas kala wareegi doono, marka la eego dhaq dhaqaaqyadiisa ee uu haatan ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli uu dalka ka dhacay isbaddel weeyn oo siyaasadeed, kadib doorashadii Madaxweynaha ee magaalada Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii hore May, 2022-ka, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...