Luuqadda hooseysa ee Xasan Sheekh – Kulan ka dhacay Villa Somalia

|

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aan si faahfaahsan uga hadlin weerarkii askarta badan ay ku dhinteen ee Jaalle Siyaad ayaa  kulan la qaatay saraakiisha amniga Dowladda.

Kulankan oo looga hadlayay amniga caasimaada iyo dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab ayaa qayb ka mid ah lagu soo hadal qaaday weerarkii  askarta askarta badan ay ku dhinteen ee  ka dhacay Kuliyadda  Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Ilo ku dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka si faahfaahinsan oo isla xisaabtan  ah lagu soo hadal qaadin taas oo la sheegay in ay la micna tahay in Dowladdu wali ay qarinayso xogta qaraxa.

Warbaahinta ayaa qoraysa in kulanka  Madaxwaynaha  ee Hay’adaha amniga uu ahaa mid laga hadlay qaraxa balse lama faahfaahin sida loola xisaabtamayo saraakiisha tuhunka uu ku jiro.

Luuqad aad u hoseeysa ayaa la sheegayaa in Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya uu kula hadlay , Sarakiisha taas oo  muujinaysa sida aan loogu baahnayn in baaritaan dheeraad ah la sameeyo.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu  soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar.

Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha