MAALINTA 1aad ee Ciidul Adxaa oo loogu dabaal degay Muqdisho & gobolada

|

Muqdisho (ONKOD) Maanta oo Arbaco waxa magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo dalka ah  loogu dabaal degayaa maalinta kowaad ee ee munaasabada Ciidul adxaa.

Dad badan oo ku faraxsan maalintan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ee awooda u leh ayaa ku mashquulsanaa qalida xoolaha Udxiyada si ay ugu sadaqeystaan dadka masaakiinta ah iyo kuwa deriskooda iyagoo kala qeyb qaadanaya farxada iyo dabaaldega munaasabada Ciidul adxaa.

Sidoo kale gobolada dalka ayaa sidan oo kale laga soo sheegayaa in maanta ay u tahay maalinta – kowaad ee Ciida , waxaana  dadku isugu soo baxeen goobaha muhiimka ah ee magaalooyinka gobolada.

Waxa dad badan ay isu – balansanayaan martiqaadka Hilibka maadama bishan ay tahay bil si aad ah loo qalo xoolaha

Madaxda dowlada ayaa xalay qalabka warbaahinta Qaranka hambalyo ku aadan munaasabada ciidul adxaa uga diray guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Related Articles

News In English

Fikradaha