Maamulka gobolka Banaadir oo amray in laga guuro dhulka dowladda

|

Muqdisho (ONKOD) Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray ammar cusub oo ku socda dadka degan dhulka wasaarradii hore ee arrimaha gudaha oo kutaalla degmada Boondheere, gaar ahaan agagaarka taallada Daljirka Dahsoon,

Sidoo kale, Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo muuqaal soo duubay ayaa ku amray dadka degan dhulka wasaaradda arrimaha gudaha in si deg deg ah uga guuraan, waxa uuna sheegay in uu ka dhammaaday muddo bil ah oo dadkaasi horey loogu qabtay.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay afhayeenka in muddo todobo cisho oo dheeraad ah siiyay dadka degan in ay uga guuraan dhulka wasaaradda arrimaha gudaha, maadaama waqtigii horey loogu qabtay ka dhammaaday ayna wali ammarka u hoggaansamin.

Dhanka kale, Waxa uu kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu isku dayay in uu la kulmo odayaasha horjooga dadka degan dhulkaasi, si ay wax uga weediiyaan sababta aysan wali u guurin , balse tilmaamay in odayasahaasi diideen la kulanka maamulka gobolka.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu mar kale isku dayey in dadkaan lala fariisto, maadaama uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay, balse waxaad u jeediin in odayaashiin deganaa halkaan ay diideen inay nala kulmaan,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhulkan laga kicinayo dadka shacabka ha ee degan ay timid, kaddib markii wasaaradda arrimaha gudaha soo dalbatay dhulkaasi , waxa uuna xusay in maamulka gobolka oo fulinaya codsiga wasaaradda uu dadka uga saarayo dhulkaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha