Maamulka Hirshabeelle oo Doorashada Laba Kursi Baladweyne Ka Dhacayso

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa maanta oo Talaado ah, lagu wadaa in magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, lagu qabto doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Doorashada maanta oo ah, mid ka xiiso badan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa waxaa lagu dooranaya labada kursi ee kala ah HOP#011 iyo HOP#063.

Kuraastaan ayaa waxaa isku soo sharraxay illaa iyo 11 musharax oo ku tartamaya labadaas kursi ee saakay lagu dooranayo Baladweyne.

Kursiga HOP#011, waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Maxamed Cumar Barrow (Maxamed Tuure) iyo Abdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kursigaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay musharrax Cabdirisaaq Cumar.

Kursiga HOP#063, oo kamid ah, kuraastii muddooyinkii la soo dhaafay la isku hayay ayaa waxaa ku tartamaya sagaal musharrax.

Related Articles

News In English

Fikradaha