Maamulka Jubbaland oo go’aan adag kasoo saaray qaraxyadii ka dhacay Kismaayo

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay amniga magaalada Kismaayo, kadib qaraxyadii ay Al-Shabaab ka fulisay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 12 ayaa ahaa kuwa miinooyin ah oo ay kooxdu ku aastay waddooyinka isku xira deegaannada Miyiga ee galbeedka magaallo xeebeedka Kismaayo.

Shirkaan oo uu guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddiga amniga iyo sidoo kale saraakiisha maamulkaasi, waxaana diiradda lagu saaray wax ka qabashada amni darrada & weerarada Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka warbixiyey shirkaasi ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay la timid xeelad cusub oo ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah, wuxuuna tilmaamay inay cambaareynayaan weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay galbeedka degmada Kismaayo.

“Wuxuu ahaa shir deg deg ah oo ay sababtay dhacdadii shalay ka dhacday miyiga galbeedka magaalada Kismaayo, taas oo nimankii argagixisada ahaa ay la yimaadeen caado nagu cusub oo ugub ah, kadib markii ay miineeyeen waddooyin ay dadka shacabka ah isticmaalayeen, taas oo ay ka dhalatay qaraxyo 12 miino oo qaraxday. Waa arrin nagu cusub dhulkaas waa dhul miyi ah shacabka ama xoolo dhaqatada ay ku nool yihiin, isaga gooshaan, ciidamo daganeyn waddo ciidan aheyn,” ayuu yiri madaxweyn ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxyadaas ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ah, sidoo kalena lagu laayey xoolo fara badan oo ay lahaayeen qoysas reer Miyi ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha