Macky Sall: “Haddii si deg deg ah aan xayiraadda looga qaadin Gargaarkii ka imaanayay Ukraine, Afrika waxa ay geli doontaa Gaajo & Macluul”.

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Macky Sall, Madaxweynaha Senegal ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday waddanka Ukraine saameynta ugu badan ee ka dhalatay colaaddaas dhibaato gaarsiisay Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Senegal ayaa sheegay in la waayay dhammaan Sareenka (Qamadiga), Galleyda iyo dhammaan Dallagii gargaar ahaanta ay uga soo iibsan jireen Dalkaas Hay’adaha Qaramada Midoobay ay joogsadeen sabab ka dhalatay dagaalka Ruushka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Ukraine usoo jeediyay in ay miinooyinka ku hareereysan ka saarto Dekedda Odesa si loo fududeeyo gudbinta Sareenka, Galleyda iyo dallaga kale ee Qaramada Midoobay daneyneyso in ay u daabusho Qaaradda Afrika.

Macky Sall, Madaxweynaha Senegal ayaa tilmaamay in haddii gargaarkaas la hor istaago in Qaaradda Afrika ay ka dhici karto Gaajo iyo Macluul guud ahaan saameysa balse kahortagga u muuqda uu yahay in la fasaxo gargaarkaas sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii si degdeg ah aan xayiraadda looga qaadin Gargaarkii ka imaanayay Ukraine oo aan miinooyinka looga saarin Dekeedda Odesa waxa ay Afrika geli doontaa Gaajo & Macluul” Ayuu yiri Madaxweynaha Senegal ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xukuumadda Kyiv ayaa joojisay dhammaan dhaqdhaqaaqii ka socday Magaalooyinka Dekedda leh kaddib markii ciidanka Ruushka ee dagaalka kala soo horjeeda ay xoog iyo xeelad isugu geeyeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Magaalooyinkaas.

Moscow ayaa iska fogeysay in ay sabab u tahay in ay xirmaan Dekedaha Ukraine oo Hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen in saameynta ugu badan ee cunno la’aanta ka jirta caalamka ay tahay labadii dal ee Gargaarka laga soo iibin jiray oo dagaalamaya.

Related Articles

News In English

Fikradaha