Madaxdii hore dalka oo shaaciyay inay dhimatay madashii wadatashiga Qaranka

|

Madaxda hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujinayaan waalac ay ka qabaan xaalada cakiran ee siyaasadaada dalka.

War-saxaafadeedka ayey ku shegeen in ay dhimatay madashii golaha wadatashiga Qaranka, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh uu gabay doorkiisa ku aadanaa inuu isku keeno dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu cadeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabay kooxeysi siyaasadeed, halka laga sugayo inuu noqdo hoggaamiye Qaran.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa  loogu digay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka waantoobo falalka ay ku sheegeen “ Fidno Abuur” taasi uu ka wado maamulka Jubbaland caburin la xiriirta madax-bannaanida maamulkaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha