Madaxweeynaha Soomaaliland, ayaa Dalka Jabuuti lagu soo dhaweeyay

|

Muqdisho (Onkod Radio) Madaxweeynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti, wafdigaan ayaa soo dhaweeyay masu’iiliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Jabuuti, iyadoo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Jabuuti.

Muuse Biixi, ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Safarka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah, qaadan doona, waxaana ku wehlinaya wasiirrada wasaaradaha, Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha,  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.

Related Articles

News In English

Fikradaha