Madaxweynaha aan waligiis xilka wareejin ee amaanay xil isu dhiibka Farmaajo iyo Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Sanadkii 2000 ayay ahayd markii ugu horreysay ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qayb galo caleemo-saarka madaxda soomaalida. Xilligaas waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan oo doorashadiisu ka dhacday wadanka Jabuuti, kadib shirkii Carta.

Waqtigaas mudane Geelle wuxuu ahaa madaxweyne ugub ah oo talada dalkiisa kala wareegay adeerkiisa Xasan Guuleed Abtidoon oo Jabuuti maamulayay labaatan sano.

Inta uusan xilka qaban mudane Geelle wuxuu ahaa sirdoon iyo gacanyaraha adeerkiis oo madaxweyne ka ahaa Jabuuti
Inta uusan xilka qaban mudane Geelle wuxuu ahaa sirdoon iyo gacanyaraha adeerkiis oo madaxweyne ka ahaa Jabuuti

Geelle wuxuu marar kale goob-joog u noqday caleema-saaradii madaxweynayaashii Soomaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheikh Axmed sanadihii 2004 tii iyo 2009 kii.

Sanadahaas oo idil Jabuuti waxaa ka dhacayay doorahsooyin uu marwalba ku soo baxayay madaxweyne Geelle. Dadka dhaliila waxay sheegayeen in natiijada doorashooyinku ahaayeen kuwo uu isagu jaangoynayay.

Balse Soomaaliya isbadelladu joogto ayay ahaayeen. Sanadkii 2012 kii waxaa la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa macalin Jaamacad, sidoo kale waddanka ayaa ka baxay nimaadyo kumeel-gaar ah oo lagu soo maamulayay tan iyo burburkii Soomaaliya. Wufuud culus ayaa yimid wadanka oo ka qayb galayay caleemo-saarka madaxweynaha.

Mar kale, waa kan mudane Geelle oo diyaar u ah ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya, mar afaraad.

“Waxaan jeclahay inaan kuugu hambalyeeyo doorashada lagu doortay ee sida dimuqraadiga ah laguu doortay” ayuu yiri Geelle oo ka hadlayay munaasabadda caleemasaarka.

Afar sano kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh Soomaaliya waxay gashay xilli doorasho, sidoo kale Jabuuti waxay u ahayd waqti doorasho.

Doorashadii Soomaaliya, Waa laga guuleystay Xasan Sheekh oo doonayay in uu markale noqdo madaxweyne. Laakiin Jabuuti sidii la filayay markii afaraad ayaa la shaaciyay guusha madaxweyne Geelle.

Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen in natiijada doorashada la sii ogaa inta uusan bilaaban ololuhu. Dhanka kale madaxweyne Geelle wuxuu wadanka ka masaafuriyay koox weriyaal ah oo ka socday BBC, oo wareysiyo ka qaaday wasiirka arimaha dibadda Jabuuti iyo mid kamid ah musharrixiintii la tartamayay mudane Geelle. Wariyaashu waxay sheegeen in ay haysteen warqad u fasaxeysa in ay ka dhex shaqeeyaan gudaha dalka.

Markii ay dhamaatay doorashadaas mar kale waan kan mudane Geelle oo isaga oo madaxweyne “la jecel yahay ah” ka qayb galaya caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.

Doorashadii ugu dambeysay ee Jabuuti waxay dhacday sanadkii 2021 kii xilligaas oo uu mudane Geelle mar kale olole u galay sidii uu madaxweynimada u sii joogi lahaa. Laakiin isagu war kaas ka duwan ayuu BBC da la wadaagay.

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya (madaxweyne-nimada).” Ayuu yiri Geelle “Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeyo (tartanka) oo aan sii joogo.”

Doorashadan waxaa qaadacay dhamaan xisbiyada mucaaradka ee jabuuti, waxaana la tartamayay Geelle nin ku cusub siyaasadda oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Faarax.

Gudoomiyaha Xisbiga ARD ee Jabuuti ayaa yiri: “Doorashada Jabuuti way macno beeshay. Inta masuuliyiintu iscaleema-saarayaanna waxaa sii kordhaya khatarta fowdo iyo xasillooni-darro.”

Wuxuu ka mid ahaa madaxada wadamada geeska Afrika ee ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh
Wuxuu ka mid ahaa madaxada wadamada geeska Afrika ee ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Saddex iyo labaatan sano kadib madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle maanta wuxuu joogaa Mqudisho isaga oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynihii 6 aad ee xil ka qabta Soomaaliya intii uu isagu maamulayay Jabuuti.

Wuxuu amaanay isabdelka madaxweynayaasha, wuxuuna sheegay in ay guul tahay oo uu ku faraxsanyahay.

Jabuuti waa dal faqri ah. sida uu sheegay Bankiga Adduunka 23% dadka reer Jabuuti waxay ku nool yihiin saboolnimo, sida kuwa dagan xaafadda Balbala ee danyartu ku nooshahay, shaqo la’aantuna waxay joogtaa heer aad u sareeysa.

Haddaba madaxweynaha jabuuti maka dhabayn doonaa hadalkiisii ahaa in uusan mardambe isa soo sharrixi doonmise wuxuu goob joog u noqon doonaa caleemo-saarro kale isaga oo madaxweyne ah.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha