Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii saakay ka dhacay Maxaas

|

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay qaraxii saakay ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
“Khawaarijtu waa cadowga nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, waana ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle”. waa sida uu sheegay Cali Guudlaawe.
Isagoo intaa kadib ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaallamayo dagaallamayaasha Alshbaab.

 

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha