Madaxweynaha Jabuuti, oo u Hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

|

Jabuuti (Onkod Radio) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo habeennimadii xalay Baarlamaanka labada gole ay u doorteen madaxweynaha 10-aad, waxaana isa soo taraya hambalyada kala duwan ee ka imaanaysa dunida ee loo jeedinayo Xasan Sheekh

”Waxaa farxad weyn ii ah inaan u hambalyeeyo Hassan Sheikh Moxamuud , Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Doorashadiisa waxay daliil u tahay adkaysiga hay’adaha Soomaaliyeed iyo waqti taariikhi ah oo u ah dhammaan Soomaalida. Allaha awooda leh ha ku garab galo hawsha weyn ee hortaala” ayuu ku yiri  bartiisa Twitterka Ismaaciil.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa hambalyeeyay madax kala duwan, waxaana hambalyada madaxweynaha Jabuuti ay imaanaysaa iyadoo cilaaqaadka Jabuuti iyo dowladdii Farmaajo uusan aheyn mid wanaagsan, Xasan ayaa noqday maadaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaaliya laba jeer madaxweyne ka noqda.

Related Articles

News In English

Fikradaha