Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo La Kulmay Safiirka Mareykanka

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Larry Edward André, Jr.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay tageerada Maraykanka ee Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab oo mareykanku uu ka taageero Soomaaliya iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay kawadaan kulamo gaar gaar ah oo ay la leeyihiin wakiillada kala duwan ee beesha caalmka ee ku sugan Muqdisho.

Related Articles

News In English

Fikradaha