Madaxweynaha KENYA oo shaaciyay arrin looga adkaan karo Alshabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxwynaha dalka Kenya, William Ruto oo markiisii u horreysay shalay yimid Muqdisho, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee haatan ka socdo waddanka.

William Ruto oo ka qayb-galay shir ay Arbacadii yeesheen dowladda federaalka iyo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa ugu horreyn boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Alshabaab.

Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waddanka Kenya ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, isla-markaana ay ka qayb-qaataan howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga hubeysan kooxda Alshabaab.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay arrin ay tahay in la sameeyo, taas oo ku qeexay in looga adkaan karo kooxda Alshabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka oo dhan.

Ruto ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la bartilmaameedsado dadka dhaqaalaha ku taageero kooxdan, si loo cuuryaamiyo, isagoo xusay in habkaas oo kaliya lagu jebin karo.

Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada & faafinta xagjirnimada” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda federaalka iyo waddamada dariska ay isku raaceen iskaashi ka dhan ah Alshabaab, ayaga oo ku heshiiyay in si waddajir loogu duulo kooxdaan, lana taageero ciidamada Xooga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Kenya oo ay ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ku duulaan xoogaga Alshabaab, ayna ka fuliyaan weeraro khasaare geysta.

   

Related Articles

News In English

Fikradaha