Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi ( Cirro) ayaa saakay u amba-axay dalka Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatka ayaa madaxweynaha u soo dirtay casumaad rasmi ah iyo sidoo kale diyaarad qaas ah oo qadeysa madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Safarkan uu madaxweyne Cirro ku aaday waddanka Imaaraatka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay inta loo dhaariyay xilka madaxtinimada 12-ka bishii December 2024, inkasto la filayay in safarkiisa ugu horeeyo uu ku tagi doono dalka Jabuuti.
Geesta kale Imaaraatka Carabta ayaa horay saaxiib dhow ula ahaa xukuumaddii xisbiga Kulmiye, taasi oo suuragelisay in boqolaal milyan oo dollar uu Imaaraatka ku maalgeliyo dib u dhiska madaarka Berbera, Dekadda Berbera iyo wadada isku-xirta magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.
Ka hor inta uusan ku guuleysan xilka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ahaa shakhsiyaadka aaminsana kana soo horjeeday maalgelinta shirkadda DP-World, ee dekadda Berbera in ay tahay mid aan faa’ido laheyn, balse waxaa la sheegay in madaxweyne Cirro, uu hadda fikirkii uu ka qabay uu badalay.
Sikastaba, dowladda Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah waddamada xafiisyada ku leh magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.