Madaxweynaha Ukraine oo war hor leh ka soo saaray dagaalka Ukraine

|

Ukraine (Onkod Radio) — Waxa markii u horraysay muddo todobaadyo ah ay qaraxyo badani ka dayaameen aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah qaybo ka mid ah magaalo madaxda Ukraine ee Kyiv.

Qiiq madow oo cirka isku shareeray ayaa la arkayey iyadoo shaqaalaha gargaarka degdegga ahina ay aagga u gurmadeen, ugu yaraan hal qof ayaa wararku tibaaxyaan inuu ku dhaawacmay.

Madaxweynaha Volodmyr Zelenesky ayaa sheegay in waddooyinka waaaweyn ee magaalada Severodonetsk ee ku yaala bariga dalkaasi, waxaa ka socda dagaalo culus.

Severodonetsk iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla Ruushka wuxuu ku hayaa duqeymo joogta ah uu adegsanaya cirka, madaafiicda goobta iyo gantaalaha.

Halka ciidamada Ukraine ay weli ku sugan yihiin goobihi ay haysteen.

Barasaabka gobolka Luhansk wuxuu Sabtidi sheegay ciidamada Ukraine iney weli gacanta ku hayaan Severodontesk ayna sugayaan hubka ay ku deeqeen wddamada reer galbeedka.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha