Madaxweynaha Villa Somalia Mise Madaxweynaha Villa Galmudug ?

|

Nairobi (ONKOD ) Madaxweynaha Kooxda Villa Somalia wuxuu magaaalada Dhusamareeb ee Galmudug tagey 05/08/2023, waxaana maanta u buuxsantay 52 maalmood.

Madaxweynaha Kooxdu wuxuu safarkiisa GM ku micneeyey in uu hoggaaminayo dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Xaqiiqda daalacan ayaa ah in ujeedada saxda ah ee safarka Xasan Sh ku tagey GM ay ku soo aruureyso in mid ka mid ah dacasleyda la joogta loo xoogo doorashada GM. Hase ahaatee, Xasan waxaa ka qaldan fahamka, wuxuusana ogeyn in reer GM aan waligood lagu qasbin wax aysan rabin.

Qorshaha Kooxda oo la dejiyey bilaawga sanadkaan ayaa ka koobnaa afar waji oo mid hadduu fashilmo midka xiga loo gudbayo, waxayna kala yihiin:

Wajiga 1aad:

In khilaaf la kala dhex dhigo hoggaanka sare ee dowladda GM, si loo buburiyo amarka iyo kala danbeynta maamulka, meeshana looga saaro awoodda uu u yeelan karo qabsashada doorasha. Tan ayaa ku soo dhamaaneysa in kooxda villa-du ay maamusho doorashada si loo farsameysto loona geysto dacasle ka tirsan kooxda.

Wajiga 2aad:

In la khaarijiyo Madaxda sare ee maamulka, si xaalad gaar ah loogu maamulo doorashada madaxtinimada GM, loona geysto dacasle ka tirsan kooxda.

Wajiga 3aad:

In xoog lagu qabsado dowladda GM, iyada oo la adeegsanayo ciidamo lagu geynayo magacyo iyo ujeedooyin kala duwan.

Wajiga 4aad:

In beelo la abaabulo, si ay uga hor yimaadaan dowladda GM.

Labada waji ee hore waxay u muuqdaan kuwo fashilmey, waxayna hadda ku howlan yihiin in bilaha nagu soo aadan fowdo iyo qas laga bilaabo GM, iyada oo la adeegsanayo ciidamo loo bixiyey magacyo kala duwan.

Ka hor inta uusan tagin GM, kooxda Khawaarijtu waxay u diyaarsanaayeen in ay isaga cararaan GM, maadama ay filanayeen xooggaga reer Galmug ee ku soo wajahan, ayna ogaayeen in aysan iska difaaci karin.

Sidoo kale, inta Xasan Sh uusan tagin, waxaa GM ka socdey shaqooyin ballaaran oo isugu jirey difaac, amni sugid, dowlad dhis, hormarin iyo diyaarin doorasho. Waxayba GM ku dhoweyd in ay doorasho qof iyo cod qabsato, kana gudubto doorasho duq iyo mid dadban.

Maalintii uu Madaxweynaha kooxda Villa-du tagey Dhuusamareeb, wuxuu diidey in uu dago guriga martida GM, badalkeedana wuxuu doortey in uu dago qolka jiifka madaxweynaha GM, kuna shaqeysto xaafiiska Madaxweynaha GM.

Tan ayaa keentey in Madaxdii dowladda GM ay ku qasbanadaan in ay u hoydaan duurka iyo tuulooyinka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kooxda Villa-da ayaa ka codsadey Madaxda GM in la joojiyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee GM, taas oo saameyn tabin ku yeelatey Dowladda iyo shacabka reer GM.

Ujeedada saxda ah ee safarka Madaxweynaha Kooxda ayaa ah:

1) In la curyaamiyo lana joojiyo wax kasta oo howl ah oo ka socda GM (Dowlad dhis, Hormarin, Amni sugid, doorasho, iyo adeeg bixin), si loo carqaladeeyo waxqabadka hoggaanka maamulka, loogana dhigo fadhiid aan wax qaban;

2) In loo dhaco sirta maamulka GM, si loo burburiyo qorsheyaasha iyo xariirada dowladda GM;

3) In dadka iyo Madaxda GM la kala xiro;

4) In ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal ah lagu abuuro GM, kuwaas oo loo adeegsan doono marooqsiga doorashada GM;

5) In Madaxda GM bannaanka la dhigo si si ay u fududaato qaarijintooda;

6) In khilaaf la kala dhex dhigo hoggaanka sare ee maamulka GM, si loo burburiyo, kaddibna loogu andacoodo in dib loo dhisayo oo Federaalku hoggaamin doono doorashada.

Dhammaan ujeedooyinkaan ayaa la doonayaa in ay ku soo dhamaadaan fulinta qorshaha kooxda ee marooqsiga doorashada madaxtinimada GM, si kursiga madaxtinimada GM loo geysto dacasle ka tirsan kooxda.

Maxaa ka dhashey joogitaanka Madaxweynaha Kooxda Villa-da ee GM:

1) Khaawrijta oo soo xoogeysatey,

2) Boqolaal wiil oo reer GM ah oo ku baxdey shirqoolka kooxda Villa-da;

3) Hub, gaadiid iyo saanad badan oo khawaarijta loo gacan geliyey;

4) Madaxweynaha GM oo shirqool halis ah loo dhigey, laguna dhaawacey;

5) Beelaha deggan GM oo shaki la kala dhex dhigey, taas oo keentey in ay furimaha dagaalka ku kala baxaan;

6) Fulinta shuruuxda u degsan GM oo caqabado wajahaya, iyada oo la arkayo ciidamo iyo masuuliyiin federaal ah oo howlo sharci darro ah ka wada deeganada GM, sida: dilal, afduub, xarig sharci darro ah, baad, joojin shaqooyin socda iyo isku dir beelaha GM;

7) Kulamo aan waafaqsaneyn siyaasadaha, shuruucda GM iyo dowladnimada oo ka socda Dhuusamareeb, iyada oo Madaxweynaha kooxda villadu koox koox u qaabilayo wasiirada, xildhibaanada, taliyeyaasha, agaasimeyaasha, haweenka iyo odoyaasha reer GM, taas oo aan la ogeysiin, fasaxna looga qaadan hoggaanka dowladda GM;

8)Khilaaf khatar ku ah jiritaanka GM oo laga dhex abuurey hoggaanka sare ee dowladda GM.

Dhaqanka iyo dhawaqa Xasan waa laba aad u kala fog, rajana aan laga qabin in ay is waafaqaan.

Su’aalaha isweydiinta mudan ayaa ah;

1) Dastuurkii dalka miyaa la laaley, maxaa keeney in madaxweynaha villadu isu badalo maxaxweynaha GM?

2) Hoggaanka sare ee GM miyaa ku filnaan waayey waajibaadka loo igmadey?

3) Madaxweynaha GM miyaan ku filneyn hoggaaminta dagaalka lagula jiro khawaarijta?

4) Madaxweynaha kooxda Villa-da miyaan waajibaad dastuuri ah oo laga sugayo laheyn?

5) Reer GM miyaan khaarijta isaga filneyn?

Ugu danbeyn, reer GM waxaa la gudboon laba midkood in ay yeelaan: in ay dowladnimadooda ilaashadaan kana hortagaan shirqoolada iyo hagardaamooyinka lala maagan yahey, taas oo badbaadineysa jiritaankooda iyo sharafkodaba; iyo in ay isu dhiibaan koox aan danahooda ka shaqeyn doonin, badalkeedana dhiigooda dhuuqi doona ilaa qofkasta oo reer GM ah uu naf baxo ama naafo noqdo.

Sidoo kale, siyaasiyiinta, musharixiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadda GM, waxaan u soo jeedinayaa in qorsheyaasha gurracan ee kooxda damac iyo dulaal ee lagu burburinayo dowladda GM la iska wareysto, lana hor joogsado.

“Dhawaq iyo dhaqan kala dhantaalan waa halkey u dhimatey ee Xasanoow na soo dhaaf”

Dr. Mohamed Aden Kofi

Related Articles

News In English

Fikradaha