Madaxweyne Biden oo Baaskiil Ka Dhacay

|

Delaware (Onkod Radio) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la soo warinaya in uu ku turan turooday baaskiil uu waday xilli uu ku sugna gobalka Delaware ee dalka Maraykanka.

Biden ayaa xilliga uu baaskiilka la dhacayay doonaye in uu salaamo taageerayaashiisa, waxa uuna damacsanaa in isaga oo baaskiilka wado uu gacanta kor uga haatiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu nabad qabo oo aan wax dhib ah soo gaariin, waxaana uu warbaahinta u sheegay in xaaladdiisa aan waxba iska badalin balse wax yar uu qalqalay.

Baaskiilka uu madaxweynaha waday ayaa la sheegay in uu qabay cilad, sidoo kalena la qorsheynayay in la dayac tiro ka hor inta madaxweynaha uusan adeegsan.

Sikastaba Biden oo ah nin da’ah ayaa horay warbaahinta uga soo muuqday isagoo ku turanturoonayo jaranjarada diyaaradda gaarka ah ee madaxweynaha.

Related Articles

News In English

Fikradaha