Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Daraawiishta, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka adag la galay kooxda Al-shabaab.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan, waxa uuna kormeerkoodu u ahaa mid ciidamada ku boorinayeen in ay sare u qaadaan howlgalka ka socda deegaannada Hir-shabeelle ee lagu ciribtirayo Al-shabaab.
Sidoo kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Daraawiishta, Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-shabaab, oo dhibaato badan ku heya shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn madaxweynaha Hir-shabeelle, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada ee dagaalka kula jira Al-shabaab, aynala garab taagan yihiin wax walbo ay u baahan yihiin sida saanada ciidanka iyo xuquuqda kale ay lee yihiin.