Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ciidanka kula dardaarmay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

|

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hir-shabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hir-shabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.

Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka madaxda Hir-shabeelle, isla markaana ay xoojin doonaan howlgallada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hir-shabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hi-rshabeelle.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha