Madaxweyne Erdogan, Laba arrin ayay muhiim noogu tahay Doorashada Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya, ay u tahay labo tusaale oo waaweyn, kuwaas oo ka kala ah, 1 – muhiimadda ay Turkiga u leedahay horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika 2 – Iyo ilaalinta nabadda bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in doorashadaan ay ku dareemaan xasilooni.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Related Articles

News In English

Fikradaha