Madaxweyne Xasan oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirtay mid ugu kuur-geliyey hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo salaan ka qaatay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Gaashaandhigga iyo taliye Odowaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xerunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonaan howlgallo cusub, wuxuuna faray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inay u diyaar garoobaan howlgalladaasi.

Dhinaca kale ammaanka xarunta wasaaradda ayaa loo adkeeyey, iyada oo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho la xiray, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Related Articles

News In English

Fikradaha