Madaxweyne Xasan Sheekh, oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd magacaabay xilkii u horeeyay, kaasi oo u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Agaasimaha cusub uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

“Waxaa Alle uga baryaya in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waana uga mahad-celinayaa Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.”

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxayna magacaabistii kusoo aadeysa saacado kooban kadib markii uu madaxweyne Xasan xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu kamid yahay guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. – Waxa uu kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Magacaabistan ayaa dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Related Articles

News In English

Fikradaha