Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii saddexaad Villada tagay toddobaad gudihiisa

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aanan weli ka tagin xafiiska.

War ay faafisay madaxwtooyada ayaa lagu yiri “Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.”.

Waxaa la isku afgartay in maalinta isniinta ah ay dhacdo xil wareejinta oo markii hore la filayay in ay dhacdo maalinta axadda.

Related Articles

News In English

Fikradaha