Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya kulan kula yeeshay Farmaajo iyo Ujeedka

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii ugu horreysay maanta tegay xarunta Villa Soomaaliya, tan markii la doortay Axaddii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah, la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweeyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aaddan munaasabadda xil wareejinta oo lagu wado in la qabto toddobaadka soo socda, si uu xafiiska ula wareego madaxweynaha.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Villa Soomaaliya, iyo kuwa kale oo la socday Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo horey u aqbalay natiijadiii kasoo baxday doorashadii looga adkaaday ayaa u hambalyay Madaxweyne Xasan oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu saacadaha soo socda kulan wadajir ah la qaato madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda, si uu ugula hadlo xaaladaha taagan iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga faceliyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay bogaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...