Madaxweyne Xassan Sheekh oo rajo ka muujiyay heshiis siyaasadeed oo uu la galo hoggaanka Jubbaland

|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraysi gaar ah siiyay TV-ga Al-Arabiya, isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in dowladdiisa iyo maamulka Jubbaland ay gaaraan heshiis siyaasadeed ka hor inta aan dalka loo dareerin doorashooyinka soo socda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada-hadalada socda ay yihiin kuwo muhiim u ah xoojinta midnimada iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in is-afgarad lala gaaro Jubbaland uu kaalin muuqata ku yeelan doono hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan rajeynayaa in wada-hadalka Jubbaland lagu dhammaystiro heshiis horseeda kalsooni, midnimo iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qaataan,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Iyadoo uu dalku isu-diyaarinayo doorashooyin aanay maamul goboleedyada dalka oo dhan heshiis ku ahayn nooca ay noqonayaan khilaaf u dhexeeya madaxda Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah ilo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo xukuumaddiisa oo dhinac ah darteed, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha oo wareysi dhinacyo badań taabanayay siiyay telefishinka Al-Arabiya ayaa tibaaxay in dhankooda ay tanaasul sameeyeen si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dalka ka saara khilaafka siyaasadeed una jiheeya tubta xasiloonida iyo dimuquraadiyadda oo ay doorashada soo socota ugu horreyso.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli madashii qaran aanay sidii hore u shaqaynayn, nidaamka doorashada lagu kala aragti duwanyahay, khilaaf siyaasadeed iyo mid ciidanna uu ka dhexdhacay dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Waxaa kale oo uu hadalka madaxweynuhu ku soo beegmay xilli hoggaanka Puntland ay cod-dheer iso mid gaaban ku sheegeen in aanay wadashaqeyn la samaynayn dowladda federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata, in madaxweyne Xassan ka soo dabcay mowqifkiisi ku aaddanaa qabashada doorasho qof iyo cod ah halkan ay dhexdhexaadiyayaal siyaasadeedna ay u kala dabqaadayaan maamul goboleedyada giriifsan dowladda dhexe iyo dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh.

Onkod Radio

 

Related Articles

News In English

Fikradaha