Madaxweynihii hore Sheikh Shariif oo gaaray Jowhar kadibna qaatay shahaadada musharaxnimo ayaa loo doortay xildhibaan

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka HirShabeelle, oo uu ka doontay kursi xildhibaan.

Sheikh Shariif, ayaa ku guuleeystay cod gacan taag ahaa asagoona kusoo baxay kusriga HOP146 laguna doortay Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Shariif ayaa lagu xaqiijiyay inuu halkaas u tegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan HOP146 ee beeshiisa saami qeybsiga ay u leedahay.

Shariif ayaa isla maanta Jowhar lagu guddoonsiiyay shahaadada murashaxnimo ee kursiga HOP146, waxaana la tartamay musharax lagu magacaabo Shariif Abuukar Axmed, sida ay sheegeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Kursiga HOP146 ayaa waxaa ka taagneyd dood badan oo beesha dhexdeeda ah, kadib markii ay isku qabteen cidda la siinayo, ayada oo uu u sharaxnaa wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, hase ahaatee markii danbe u tanaasulay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Heshiis dhex maray beesha, wasiir Cabdullaahi iyo Shariifka ayaa la isla gartay in Shariifka lagu sharfo maadaama uu u tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya, si baarlamaanka gudahiisa ugu dhex qaraabto.

Shariifka ayaa ballan qaad la hubo u sameeyay wasiirka amniga oo doonayay in kursigaasi xasaanad ka dhigto, maadaama uu leeyahay ganacsi xooggan, waxaana loo ballan qaaday in haddii uu guuleysto kursiga dib loogu celin doono, haddii uu guuldareystana uu jagooyin kale uga raadin doono dowladda cusub.

Safarka Sheekh Shariif, ayaa waxaa ka horreeyay ciidamo xooggan oo shalay gaaray Jowhar, kuwaasi oo intii ay sii socdeen waddada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa qarax miino kula kulmay, qaraxaasi oo askar aad u tiro badan kaga dhinteen, kuwo kalena kaga dhaawacmeen.

Ma cadda weli haddii xal laga gaaray doodad beeleyd ee ka taagneyd kursiga iyo in dhagaha laga fureystay qeyladooda. 

Sheekh Shariif, ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo la rumeysan yahay inuu yahay musharrax ay dhinacyo badan wada aqbali karaan haddii uu wareegga ugu dambeeya doorashada gaaro.

Related Articles

News In English

Fikradaha