Madaxweynihii ugu Mushaarka badnaa Afrika oo doonaya in guri loo qaaraamo

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.

Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii heesashada taageerayaasha kooxdaan. 

Markii uu soo baxay mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq. 

Sidoo kale waxaan baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay. 

Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.

Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).

Related Articles

News In English

Fikradaha