Magaalada Garoowe oo dadku farta wadnaha ay ku hayaan + heerka khilaafka

|

Garoowe (ONKOD) Magaalada Gawoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka taagan walaac ay shacabku ka qabaan in dagaal uu ka dhaco, xilli isfaham darro ay jirto ku aadan xalinta khilaafka madaxweyne Deni iyo Mucaaradka oo Isimada Puntland ay garwadeenka ka ahaayeen.

Waxaa xusid mudan in qeybo kamid xaafadaha magaalada Bulshadu ay bilaabeen in ay ka baxaan, iyagoo cabsi ka qaba in markale lagu dagaalamo, wadahadallada u dhaxeeyay dhinacyada ayaa wiiqmay, kadib markii laga biyo diiday furista Dastuurka  Puntland.

Taliyaha Booliiska gobolka Nugaalka Guddoomiyaha gobolka , Guddoomiyaha degmada ayaa si wadajir ah u  sheegay in aysan jirin wax amni darro ah oo ka jiro Garoowe, taas oo keeni karta in laga qaxo, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in ay isdajiyaan.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan khalalaase dhanka amniga ah iyo hubanti la’aan , iyada oo qaar ka mid ah shacabka magaalada ay isaga barakaceen, kuwaas oo mar kale ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu diidan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talago galay, waxaana xukuumaddu ku doodaysaa doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka maamulka Puntland.

Mucaaradka ayaa dhankooda miiska soo saaray in aysan jirin baahi loo qabo in la furo Dastuur, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in ay doorashada ku qabato xilligii loogu talo galay, mana jiraan iskusoo dhawaasho ay muujinayaan labada dhinac ee ishaya.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha