Magaalada Waajid, ayaa kusoo kordhaaya Culeeysyada haaysta

|

Magaalada Waajid, ayaa culeeysyo kala duwan kusoo kordhay xaaladda Nolosha iyo Ganacsiga, Magaalada Waajid, ee Gobolka Bakool iyo hareeraheeda.

Magaaladan ayaa go’doonsan muddo toban sano ah. Ganacsatada ayaa intooda badan iska xiray ganacsiyadii. Gaari dameerradii cuntada iyo alaabta kale ee keeni jiray magaaladan waa lasii xayiray.

Waxaa sidoo kale sare u kacay qiimaha maciishadda, iyadoo ay yar tahay in dadku helaan meel ay wax ka iibsadaan.

Maxamed Xasan Macallin, waa guddoomiyaha ganacsatada ee degmada Waajid, isagoo farta ku fiiqay culeyska uu keenay isbaddelka cimillada.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay inay jiraan in la gubayo raashiinka la keenayay Magaalada Waajid, iyadoo dameeraha sida rarka raashiinkana la dilayo. Xigasho BBC Somali.

Related Articles

News In English

Fikradaha