Mahad Salaad oo maanta la wareegay hoggaanka NISA

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Munaasibad kooban oo maanta ka qabsoomtay xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’addaas Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salaad ayaa hogaanka hay’adda NISA si rasmi ah ugala wareegay Yaasiin Fareey oo si Ku-meel-gaar ah xilkaas u hayay, tan iyo markii xilka laga qaaday Fahad Yaasiin oo muddo badan maamulayay hay’adda.

Xil wareejinta hogaanka cusub ee NISA ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga iyo midka Gaashaandhiga.

Sidoo kale waxaa munaasibadaan ka qeyb-galay Taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayada oo uu ku wehliyay Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA), kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Magacaabista Agaasimaha NISA ee Mahad Maxamed Salaad ayaa muujineysa ahmiyada iyo sida ay muhiim ugu tahay hay’addani madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabadii Ra’iisul wasaaraha kasoo hor-mariyay in NISA ay hesho hoggaan uu ku kalsoon yahay.

Si kastaba, Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa waxa uu kamid yahay xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay ololihiisi doorashada.

Related Articles

News In English

Fikradaha