Maraykanka oo Somaliland ka codsaday inay qaabilaan qaxootiga Reer Afgansitan

|

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  arrimaha dibada Somaliland ahna kusimaha Wasiirka liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in Somaliland ay kamid noqotay kuwa laga codsaday inay qaabilaan Qaxootiga Reer Afgansitaan oo dalkooda uga soo cararaya Kooxda Taalibaan ee la wareegtay.

Waxaa uu sheegay in Somaliland aysan weli heshiis rasmi ah arrintaasi ka gaarin, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ay ka codsadeen si dadkaasi ay yimaadaan degaannada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  arrimaha dibada Somaliland liibaan Yuusuf Cismaan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Somaliland ay ka fiirsaneyso qaabilada qaxootiga Reer Afgaanistaan maadaama ay kaga imaan karaan qataro dhanka Amniga ah.

Warkaan kasoo yeeray Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dad ka cararaya dalka Afganistan oo ay la wareegtay Kooxda Taalibaan ay qaabilaad ka heleen wadamo dhowr ah, sida Mareylanka, Ingiriiska, Uganda iyo wadamo kale.

Related Articles

News In English

Fikradaha