Golaha sharci dejinta ee waddanka Maraykanka ayaa soo gudbiyey cashuur la saarayo lacaga ay qurba joogta waddankaasi u soo diraan dalalka ay ka soo jeedaan.
Hindise sharciyeedkan ayaa dhigaya in 5% la saaro lacag kasta oo Maraykanka laga soo dirayo taas oo laga qaadayo qofka diraya.
Arrinkan ayaa saamayn ku yeelan doona dadka ku tiirsan lacagaha ay qurba joogto soo dirto gaar ahaaanna Soomaalida oo dhankaas lacago badan looga soo diro.