Mareykanka oo Ukraine u diraya hub ay ku duqeyn karto magaalooyinka Ruushka

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Mareykanka ayaa Ukraine u diri doona gantaallo ka casrisan kuwii horay loo siiyay, si ay isaga difaacaan weerarka uu Ruushku ku hayo, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Joe Biden.

Hubkan oo ay muddo dheer codsanayeen madaxda dalka Ukraine ayaa la filayaa in uu ka caawiyo sidii ay ugu beegsan lahaayeen cadowgooda oo meelo ka fog fog looga shiishi karo.

Ilaa hadda, Mareykanku waxa uu diiddanaa in uu codsigaas fuliyo, isagoo ka cabsi qabay in hubkaas lagu duqeyn doono meelo ka mid ah gudaha dalka Ruushka.

Balse maanta oo Arbaco ah, waxa uu Biden sheegay in gargaarkan militeri uu xoojin doono saamaynta ay xukuumadda Kyiv ku leedahay wada-xaajoodka kala dhaxeeya Ruushka, haddana ay u badan tahay in xal-diblomaasiyadeed la gaaro.

Biden ayaa maqaal uu qoray oo lagu daabacay wargayska New York Times ku yiri: “Taasi waa sababta aan u go’aansaday in aan Ukraine siinno gantaallo aad casri u ah iyo rasaas u sahlaysa inay si toos ah oo cabbir saxan leh ay u beegsadaan fariisimaha ciidamada dagaalka kula jira ee ku sugan gudaha Ukraine.”

Hubkan cusub waxaa ka mid noqon doona gantaallada shiishka toosan leh ee loo yaqaanno M142, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka – inkastoo uusan kala caddeynin tirada gantaallada loo diri doono Ukraine.

Gantaalladan ayaa loo adeegsan karaa duqeynta dhowr meel oo isku mar ah, waxayna gaari karaan fogaan dhan ilaa 70km (45 miles), waxayna ka tiiro dheer yihiin gantaallada ay hadda hayasato Ukraine.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ka cabbir fiican yihiin gantaallada ay haystaan militeriga Ruushka.

Gantaal uu Mareykanku leeyahay oo noociisu yahay M142 HIMARS
Gantaal uu Mareykanku leeyahay oo noociisu yahay M142 HIMARS

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha militeriga Ukraine ayaa sheegay in gantaallada noocoodu yahay HIMARS ee hadda uu Mareykanku u dirayo ay noqonayaan “kuwo muhiim ah” ayna u sahlayaan inay isaga difaacaan gantaallada ay Ruushka kusoo weeraraan.

Mareykanka ayaa filaya in Ukraine ay hubkan gayso gobolka dhinaca bariga xiga ee Donbas, halkaasoo uu dagaalku sida xooggan uga socdo, ahna meesha loogu adeegsan karo in lagu bar-tilmaameedsado goobaha ay yaallaan gantaallada Ruushka ee lagu duqaynayo magaalooyinka Ukraine.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa aqbalay in la bixiyo gantaalladaas, iyagoo sheegay inay tallaabadaas qaadeen oo kaliya kaddib markii ay Madaxweyne Volodomyr Zelensky ka heleen damaanad-qaad ku aaddan in aan loo adeegsan doonin in lagu duqeeyo magaalooyinka Ruushka.

“Uma dirayno Ukraine gantaallo ay ku weeraraan gudaha Ruushka,” ayuu maqaalkiisa ku qoray Biden.

Ciidamada Ruushka taabacsan oo gantaallo ku tuuraya magaalada Yasynuvata ee gobolka Donetsk
Ciidamada Ruushka taabacsan oo gantaallo ku tuuraya magaalada Yasynuvata ee gobolka Donetsk

Guntaalladan ugu dambeeyay waxay xuddun u noqonayaan hubka qiimihiisu uu ku kacayo $700m (£556m) ee lagu taageerayo Ukraine, waxaana si rasmi ah mashruucan loo daah-furayaa maanta oo Arbaco ah, sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan Aqalka Cad.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca, hubka lidka taangiyada, gawaarida ciidamada iyo qalab kale ayaa ku jira gargaarkan oo noqonaya kii 11-aad ee uu Mareykanku siiyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii Febaraayo.

Madaxweyne Biden oo sheegay in ujeeddadiisu ay tahay sidii loo heli lahaa xal-diblomaaisyadeed ayaa Ruushka ku dhaliilay inay sii wadaan ficillada gardarrada ah ee ay ku carqaladeynayaan wada-xaajoodka nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku uusan waligiis cadaadis ku saari doonin Ukraine in ay dhulkeeda u dhiibto iyadoo ku beddelanaysa in dagaalka laga joojiyo.

Mar uu si toos ah uga hadlayay halista ku saabsan in hubka nuclear-ka loo adeegsado Ukraine ayuu Biden yiri: “Waqti xaadirkan uma jeedno wax calaamad ah oo muujinaya in Ruushka uu damacsan tahay tallaabo noocaas ah.” Balse waxa uu ka digay in haddii ay taasi dhacdo ay noqon doono tallaabo aan la aqbali karin oo la imaan doona “cawaaqib-xumo aad u daran”.

Wax yar kaddib markii uu Biden ku dhawaaqay arrintan, saraakiisha Militeriga Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda qaabilsan isticmaalka hubka nuclearka ay ku guda jiraan tijaabooyin ku aaddan sidii ay u howlgali lahaayeen, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Interfax.

Goor sii horraysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay “inay Ukraine ku qulqulinayaan hub” waxa uuna sheegay xamuul kasta oo ah hub loo wado Ukraine uu bar-tilmaameed sharci ah u noqon doono Moscow.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dalalka ku jira isbahaysiga Nato ay “ku ciyaarayaan dab” marka ay hubka u dirayaan Ukraine.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha