Mareynkanka ma doonayo in xabad joojin ka dhaqan gasho GAZA

|

NEWYORK (ONKOD ) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  dood adag ka yeeshay xaaladda hadda ka taagan marinka GAZA iyo sida ay tahay in loogu dhaqan galiyo xabad joojin maadama ay dhamaaatay waqtigii xabad joojinta.

Dooda Golaha oo aad u adkayd waxaa is hor istaag sameeyay oo codka diidmada qayxan adeegsaday Dowladda Mareykanka oo ka hor timid go’aanka xabad joojinta ee marinka GAZA.

Qaraarka la hor geeyay  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay , ayaa dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah. Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka.

Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay in aysan taageereyn doonin xabbad joojin degdeg ah oo laga hirgaliyo Gaza.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad ugu garab istaagtay Israa’iil xasuuqa ay u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna Mareykanka Israa’iil ugu deeqday gantaalo culus iyo hub kale oo casri ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku heyso dhulka Falastiin ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu dagaalka hakad ku jiray.

Ciidanka ayaa sheegay in “dagaalo xooggan oo ay weheliyaan duqeyn xagga cirka ah” la galeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka Qaza.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha